SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

ALSHABAAB OO LAGU GALAY DEGAANKA JICIBAW.

(SAWIRKA)-DIYAARAD DRONES.

(HIIRAAN)-Wararka ka imanayo Gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaayo in habeenkii xalay ey halkaasi ka dhacday duqeyn culus oo lala beegsaday goob ey isku urursnaayeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Alshabaab,degaanka ey duqeynta sida gaarka ah uga dhacday ayaa lagu magacaabaa Jicibow waxa uuna hoostagaa degmada Buula- burde. Weerarkaan dhinaca cirka ah ayaa waxaa fuliyey saaxibadda caalamka ee Soomaaliya ka kaalmeeyo dagaalka lagula jiro kooxda Alshabaab,waxaane ilaa hadda aan la aqoon khasaaraha ka dhashay duqeyntii xalay bacdamaa waqtiga weerarka uu dhacay ey ahayd habeen mugdi ah. Gobolka Hiiraan ayaa ka mid ah Goboladda ey kooxda sida ba’an ugu dhuumaaleyato waayo gobol ayaa ah mid aad u baaxad weyn lehne xuduudyo fara badan.

ISHA/HIIRAAN

RIIX HALKAN.