SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

ALSHABAAB OO LAGU DUQEEYEY HAWDKA GAKGADUUD.

(SAWIRKA)-DIYAARADAHA DRONES-KA.

(G/GADUUD)-Wararka ka imaanayo Gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug ayaa sheegaayo in ku dhawaad sodon dagaalyahan oo Alshabaab ah lagu dilay hawlgal ey iska kaashadeen Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed iyo Saaxibadda Caalamka,hawlgalka ayaa ka dhacay meel u dhaw degaanka Xuseen Cageey una dhexeeyo degaanadda Mesagawaay iyo Baraag Sheekh Caamir ee G/Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Sidoo kale hawlgalka waxaa lagu gubay gaadiid iyo saanad,weerarka ayaa dhacay iyadoo kooxda Alshabaab ey qalanayeen Geel baad ah oo ey ka soo dheceen dad shacab ah ee ku nool degaanka. Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa la socday dhaqdhaqaaqa kooxda Alshabaab ee degaankaas,waxaane laga soo abaabulay maleeshiyadaan la laayey degaanka Cawsweyn waxa eyna si dhuumaaleysi ah ku soo galeen dhulka hawdka ah ee lagu bartilmaameedsaday. Dadka degaan Xuseen Cageey ayaa sheegay in meydadka kooxda Alshabaab ey maanta daadsan yihiin halkii lagu weeraray xalay saqdii dhexe,wixii ka badbaaday weerarkaas ayaa la sheegay iney dib ugu firxadeen degaankii ey ka yimideen ee ahaay Cawsweyne. Kooxda Alshabaab ee ka dagaalanta Galmudug ayaa hadda waxaa saaran culeys eysan qaadi karin kaaso dhinacyo badan ka haayo kooxda tusaale ahaan degaanada ey kaga sugan yihiin Galmudug lama soo geli karo lagamana bixi waxaane afarta jiho kaga hareereysan ciidamadda DFS iyo kuwa degaanka,dhulka hawdka ahne waxaa duqeyn aan loogu raxmaneyn ku haayo diyaaradaha Drones-ka ee dalalka Turkiga iyo Maraykanka.

ISHA/SNTV.