SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

ALSHABAAB OO LAGU DUQEEYEY BUURAHA CAALMADAW.

(SAWIR)-KA.CIIDANKA XOOGA DALKA SOOMAALIYEED IYO XOOGAGA DEGAANKA.

(MUQDISHO)-War Saxaafadeed ey soo saartay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya maanta oo Axad ah ayey ku sheegtay in ka badan 20-Maleeshiyo oo Alshabaab ah eyna ku jiraan seddex Horjooge in lagu dilay, waxaane lagu dhaawacay in ka bada intaas ka dib markii hawlgal ey iska kaashadeen ciidamadda Qaranka iyo saaxibadda caalamka kaasi oo ka dhacay buuraha Caalmadaw kana tirsan maamulka Puntland. Hawgalka ayaa lagu bartilmaameedsaday xero ey maleeshiyaadka Alshabaab isku urursanaayeen taaso ku taalo buuraha Caalmadaw,waxaane halkaas lagu jebiyey dhagartii ey u soo maleegayeen shacabka ku nool degaanadda Puntland. Ciidanka Qaranka iyo saaxibadda caalamka ayaa mudooyinkaan si weyn ula socday dhaqdhaqaaqa cadawga Alshabaab ey ka wadeen degaanadda buuraleyda ah ee Puntland. Dawladda Soomaaliya oo kaashaneyso shacabkeeda iyo saaxibadda caalamka waxay ku guulaysatay iney ka hortagaan dhagaradda badan oo cadawgu u diyaariyeen,waxaane dawladda Federaalka Soomaaliyeed ka go’an dhammaystirka Argagixisadda si dadkeenu ugu noolaadaan nabad iyo barwaaqo. Dhinaca kale,Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Ururka 8-aad Guutada 18-aad ee Kumaandooska GorGor ayaa hawlgal culus ka sameeyey degaanka Caag Bashiir ee Gobolka Hiiraan. Hawlgalkaan oo ahaa mid Qorsheysan ayey ciidanku ku soo saaree miinooyin ey Argagixisadu ey doonaayeen iney ku dhibaateeyaan shacabka,sidoo kale,ciidanka ayaa burburiyey fariisimo Alshabaab ey ku lahaayeen degaanka Caag Bashiir oo hoostaga Degmada Buula Burde ee G/Hiiraan. Abaanduulaha Ururka 8-aad oo hawlgalkaan hogaaminaayey ayaa Warbaahinta Ciidanka Qalabka sida uga warbixiyey hawlgalkan oo ahaay burburin iyo nadiifin wadooyinka shacabku adeegsadaan si looga bad baadiyo dhagarta Argagixisadda Alshabaab.

ISHA/SNA.