SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

ALSHABAAB OO KU HALAAGSAMAY JACAR IYO GARABLA’A.

(SAWIRKA)-MALEESHIYAAD ALSHABAAB AH.

(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimadda Muqdisho ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaayo in warar dheeraad ah laga helay weerar Qorsheysnaay ey sida wadajirka ah u fuliyeen Hayadda Sirdoonka Qaranka ee NISA iyo saaxibadda caalamka,weerarka oo ahaay mid dhinaca cirka ah ayaa waxaa lala beegsaday Xarumo Keydka Hubka u ahaay kooxda Alshabaab kuwaaso ku yiil degaanada kala ah JACAR iyo GARABLA’A oo ka wada tirsan Gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug bartamaha dalka Soomaaliya. War saxaafadeed ey soo saartay Hayadda NISA ayaa lagu xusay in weerarka lagu burburiyey Garaash ka mda Gaarshyada kooxda Alshabaab ku lahayd degaanadaasi la weeraray,dhinaca kale,weeraradaan dhinaca cirka ah ayaa sii kordhay tan iyo markii ey kooxda Alshabaab duulaanka ku qaaday degaanka CAAD ee koonfurta Gobolka Mudug maamulka Galmudug,waxaane weerarada ka dhaca bartamaha Soomaaliya waqtigaan laga soo agaasimaa degaanada ey kooxda kaga sugan tahay Galmudug sida C/buur,Cawsweyne,Galcad,Galhareeri,Wabxo iyo degaano kale oo ku yaalo Bariga Gobolka Galgaduud.

ISHA/CAASIMADDA.

HALKAN KA SI AKHRISO.