SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

ALSHABAAB OO CUNAQABATEYN LA SII SAARAY.

(SAWIRKA)-QARAX MUQDISHO KA DHACAY.

(NEW YORK)-Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe ayaa Jimcaha maanta ah waxa uu soo saaray Qaraar dib loogu cusbooneysiiyey Cunaqabateynta ka dhanka ah ee kooxda Argagixisada AL-shabaab ee Soomaaliya ilaa 28/02/2025-ka. Qaraarkaan oo ey soo gudbisay Dawladda Ingiriiska ayaa waxaa si wadajir ah u Ansixiyey 15-ka Xubnood ee Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe. Qaraarka la cusbooneysiiyey ayaa ogolaanayo Gelidda Badda si loo dhaqan geliyo cunaqabateynta Hubka Sharci darada ah,Manuucidda Dhoofinta Dhusuha iyo Manuucidda Waxyaabaha laga sameeyo Waxyaabaha dhaliya Qaraxa. Talaabooyinkaan cunaqabateynta ah sida tan Hubka,Xayiraada Safarka,Xayiraadaha Hantida ee lagu beegsanaayo kooxda AL-shabaab ayaa ah kuwa weli shaqeynaayo. Dalka ku yaalo Geeska Afrika(Soomaaliya) ayaa waxaa sannado badan ka dhacaayey falal Amni darro, iyadoo khatarta ugu badan ey ka imaaneysay kooxda AL-shabaab iyo kooxaha Argagixisada ah ee Daacish/ISIS. Tan iyo sannadkii 2007-dii,kooxda AL-shabaab waxa ey dagaal kula jirtay Dawladda Soomaaliya iyo Ciidmadda Midawga Afrika(ATMIS) oo ah hawlgal dhinacyo badan leh oo uu fasaxay Midawga Afrika,uuna u xilsaaray Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe. Weerarada ka dhanka ah kooxda Argagixisada AL-shabaab ayaa kordhay tan iyo markii dib loo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud sannadkii 2022-kii,waxa uuna kooxda ku qaaday dagaal dhan walba ah.

ISHA.AA