ALSHABAAB LAGU DUQEEYEY K/MUDUG.
(SAWIRKA)-ALSHABAABKII KU HALAAGSAMAY LAAS-GACAMEEY.
(MUDUG)-Wararka laga helaayo Koonfurta Gobola Mudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaayo in halkaasi uu maanta ka qarxay dagaal u dhexeeyo Xoogaga degaanka iyo Ciidamadda Xooga dalka Soomaaliyeed oo dhinac ah iyo kooxada Alshabaab oo dhinaca kale ah,dagaalka ayaa bilawday ka dib markii kooxda Alshabaab xubno ka tirsan ey soo galeen degaanka LAAS-GACAMEEY ayagoo wata gaadiid dagaal iyo maleeshiyaad la socdo si ey ula wareegaan degaanka Laas-Gacameey oo ka tirsa degmada Bacaad-Weyn eyna ku sugnaayeen ciidamadda DFs,Daraawiishta Galmudug iyo Xoogaga degaanka dagaalka oo ahaay mid culus ayaan ilaa hadda wax war ah oo sugan aan laga heynin balse waqtiyada soo socdo la heli doono wixii war ah. Dhinaca kale,DFS ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay hawlgal dhanka cirka ah oo lagu dilay ku dhawaad ilaa 50-Maleeshiyo oo ka tisan kooxda Alshabaab iyo Horjooge caan ka ah degaanka lana yiraahdo Axmed Jiis,weerarka ayaa waxa uu ka dhacay halka loo yaqaano Baraagta-Gurguurte ee Gobolka Mudug. Weerarkaan dhinaca cirka ah ayaa waxaa fuliyey diyaaradah dagaalka ee saaxibadda caalamka ee Soomaaliya ka kaalmeeyo dagaalka lagula jiro kooxda Alshabaab oo hadda ka socdo qeybo ka mid Goboladda dalka Soomaalya.
ISHA/HIIRAAN.