SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

ALSHABAAB KU HOOBTAY DAGAAL KA DHACAY JAMAAME.

(SAWIRKA)-CIIDAMADDA JUBALAND IYO DANAB.

(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo maamuladda Jubaland iyo Koonfur Galbeed ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaayo in labadaasi maamul Goboleed uu si xawli ah uu uga socdo Wejigii labaad ee dagaalka looga soo horjeedo kooxda Alshabaab,waxaane maalintii seddexaad hawlgal culus oo lagu baacsanaayo kooxda Alshabaab uu ka socdaa Gobolka Jubadda Hoose ee maamulka J/land. Ciidamadda sida gaarka ah u tababaran ee DANAB gaar ahaan Ururka 162-aad Guutada 16-aad ee Ciidamadda Xooga dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamadda maamulka J/land oo iskaashanaayo ayaa Gododkoodii waxa ey ugu galeen kooxda Alshabaab,waxa uuna hawlgal ka dhacay gediga shishe ee Wabiga Jubba sida tuulooyinka Muuse-Xaaji,Malaayley,Turdho,Baxar,Saafka iyo degaano kale. Waxaa jiro duqeymo dhinaca cirka ah ey fulinayaan saaxibadda caalamka kuwaaso lala beegsanaayey goobo ey kooxda Alshabaab isku urursaneysay,hawlgalka ayaa lagu dilay 35-Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad Alshabaab ah eyna ka mid yihiin Horjoogayaal Ajaanib iyo Soomaali isugu jira,Horjoogayaasha qaarkood ayaa kooxda u qaabilsanaay dhinaca Qaraxyada waa nin lagu magacaabi jiray C/qani,Horjooge dhinaca Sirdoonka u qaabilsnaay Alshabaab lana yiraahdo Saadaq iyo Horjooge Ajnabi ah kaaso magaciisa lagu soo koobay Jaabir. Ciidamadda Danab ayey u suurtagashay iney gacanta ku soo dhigaan todobo ka mid ah Maleeshiyaadka kooxda Alshabaab oo ku dhuumaleysanaayey degmada Jamaame ee Gobolka Jubada Hoose. Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa isna laga sheegayaa in ciidamadda xooga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Ururka 60-aad Guutada 9-aad Qeybta 60-aad iyo xoogaga degaanka oo iskaashanaayo ayaa ka hortegay weerar ey soo qorsheeyeen kooxda Alshabaab iney ku soo qaado degmada Waajid ee Gobolka Bakool,dagaalkaas lagu qaaday kooxda Alshabaab ayaa wxaa kooxda looga dilay ilaa 30-maleeshiyo sida uu sheegay gudoomiyaha degmada Waajid Md.Maxamed Macallin Yusuf, Gudoomiyaha ayaan saakay kormeer ku tegay goobtii Alshabaab lagu gumaaday, hawshaan ayaa waxaa qabtay Ururka 60-aad ee ciidamadda Xooga dalka iyo dadka degaanka.

ISHA/SBMEDIA.