SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

AKSHABAAB OO WEERARTAY HOTEL SYL EE MUQDISHO.

(SAWIRKA)-TALIYE FANAX.

(MUQDISHO)-Wararka ka imaanayo caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegaayo in halkaasi uu caawa ka dhacay weerar qorsheysan eyna soo abaabushay kooxda Alshabaab,weerarka ayaa waxaa lala beegsaday Hotel-ka SYL ee magaaladda Muqdisho,hotelkan ayaan sidaas uga fogeyn Madaxtooyadda JFS,waxa uuna weerarka ku bilawday Qof Ismiidaaiyey iskuna qarxiyey iridda hore ee Hotelka ka dibne waxaa weerar toos ah soo qaaday xubno aan la sheegin tiradooda kana tirsan kooxda Alshabaab kuwaaso markii dambe gudaha u galay Hotel-ka bilabyne iney toogtaan dadkii ku sugnaay Hotel-ka waqtigaas. Hotel SYL ayaa inta badan waxaa ku sugan masuuliyiin ka tirsan DFS labadeeda Gole gaar ahaan waxaa la sheegay Hotelka iney deganaayeen Xildhibaano iyo sentaro ka tirsan BJFS,waxaa kaloo huteelka ku sugnaay masuuliyiin hore, Wariyeyaal caan ka ah dalka Soomaaliya iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir. Warar aan la xaqiijin ayaa sheegayo in Huteelka ey shir gaar ah ey ku lahaayeen masuuliyiin iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya kuwaaso la sheegay iney ka arrinsanaayeen shaqaaqadii xalay ka dhacday degmada B/weeyne ee Gobolka Hiiraan. Warbaahinta SUUQ-BACAAD MEDIA(SB-MEDIA) ayaa heshay magacyada iyo mansabyada qaar ka mida dadkii wax ku noqday weerarkii caawa lagu qaaday HOTEL SYL ee magaaladda Muqdisho,haddii aan ku horeeyo Xildhibaanadda ku dhaawacmay ayaa waxaa ka mid ah{Cismaan Cali,Faarax Cabdi iyo Ismaaciil Iidaw},Senitarka kaliyah ee weerarka ku dhaawacmay ayaa ah Senitar C/risaaq. Masuuliyiinta ka socotay Gobolka Banaadir ee weerarka ku dhaawacantay ayaa kala ah Xogahayaha Gobolka Banaadir Feysal Caraale,Gudoomiye ku-xigeenka Degmada Wadajir Cali Indhooy,Gudoomiye ku-xigeenka Arrimaha bulshada ee degmada Hodan ma helin magaciisa. Dhinaca Wariyeyaasha waxaa ku dhaawacmay weerarka caaw Afhayeenka XFS Farxaan M.Jimcaale iyo Wariye Xasan Sheekh Axmed(Xasan Cadde),dhinaca ciidamadda waxaa la sheegay inuu ku dhaawacmay Taliye C/xamiid Fanax oo ah taliyaha ciidamadda Haramcad kana mid ah ciidamadda Booliska ee sida gaarka ah u tababaran.

ISHA/SB-MEDIA.