SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

AGAB IYO GAADIID LA SIIEYEY Q.43-AAD EE CXDS.

(SAWIRKA)-QAAR KA MID AH AGABKII LAGU WAREEJIYEY Q/43-AAD.

(MUQDISHO)-Wararka ka imaanayo caasimadda Muqdisho ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaayo in hawlgal culus ey iska kaashadeen ciidamadda Qaranka iyo saaxibadda caalamka lagu beegsaday koox ka tirsan Alshabaab xilli ey isku urursanayeen degaanka Jilib Marka oo hoostaga degmada Marka ee Gobolka Shabeeladda Hoose ee maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya. Saraakiisha Hogaaminaysay hawgalka ayaa warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in la soo afjaray kooxdii lagu bartilmaameedsaday hawlgalka qorsheysnaay ee maanta dhaca,waxaane warbaahinta loo soo bandhgay meydadka kooxda Alshabaab ee lagu dilay weerarkaas iyo xubno lagu qabtay weerarkaas barakaysan. Saraakiisha ciidamadda Qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegay in kooxda Alshabaab looga qabsaday hub iyo saanad aad u fara badan,hawlgalka ayaa soo bilawday saakay oo Sabti ah aroortii hore waxaane lagu guulaystay in laga hortago dhagarta ey kooxda Alshabaab u soo maleegaysay shacabka Soomaaliyeed. Dhinaca kale,Taliska Qaybta 43-aad ee ciidamadda dhulka ee XDS ayaa maanta oo Sabti ah waxa ey gaadiid iyo Agab kale oo loogu talagalay ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed kala wareegeen hayadda UNMAS,la wareegidda agabkaan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Madaxa Hogaanka Farsamadda ee XDS Korneel C/laahi Cali Adan Gaas. Taliyaha Qeybta 43-aad ee CXDS Gen.Cali Maxamed Bag Madaw oo la wareegay Agabka ayaa ka mahad celiyey kaalmada ey bixisay UNMAS iyo isgarabtaag ey u hayso CXDS. Madaxa Hogaanka Farsamada ee CXDS Korneel Aden C/lahi ayaa warbaahinta uga warbixiyey Agabka ey maanta kala wareegeen hayadda UNMAS iyo faa’iidada uu u leeyahay ciidamadda Qaranka,waxa uuna ciidamadda Qaranka kula dardaarmay iney xafidaan qalabkaan cusub ee maanta la siiyey.

ISHA/SNA RADIO.