SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

AGAASIMIHI WAAXDA SOCDAALKA SOOMALIYA OO BAXSADAY,SABABTA?

(SAWIRKA) AGAASIME C/QAADIR CILMI CALI(CABDUL).

(MUQDISHO-SOMALIA)-War Deg Deg ah: Agaasimaha hayadda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya C/qaadir Cilmi Cali(Cabdul) ayaa waxa uu ka mid noqday madaxda lagu soo edeeyey Musuq-maasuqa ka jira xafiisyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Agaasime Cabdul ayaa waxaa baaris ku haayey hayadaha amniga Qaranka ka dib markii ey xeer ilaalinta Qaranka u soo jeedisay eedeyn ku saabsan Xatooyo Xaoolo dadweyne. Agaasime Cabdul,ka hor inta aan la soo qaban isla markaasne aan loo goynin waaranka lagu soo xiraayo ayuu Agaasime Cabdul isaga cararay dalka,sidaas waxa aan ka so xiganay hawl wadeen ka tirsan Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha DFS. Sida ey inoo xaqiijiyeen dad ku dhaw Agaasime Cabdul,Agaasimaha ayaa shalay oo Talaada ahayd(20/6/23)-ka isaga baxay dalka waxa uuna Agaasime Cabdul ka duulay Garoonka Diyaaradaha ee Adan Cadde ee Magaaladada Muqdisho,waxaane soo baxay warar sheegaayo in xabsiga la dhigay dhammaan madaxdii Waaxda Socdaalka ee garoonka Adan Cadde ee ku qorneed shaqada waqtiga uu Agaasime Cabdul ka duulaay garoonka. dhinaca kale,waxaa maalmo ka hor isaga cararay gurigiisa oo ku yaalo magaaladda Muqdisho Agaasimaha Waaxda Canshuuraha Berriga ee Wasaaradda Maaliyadda Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Muxyadiin Xasan Jurus(Saabeey),Agaasime Saabeey ayaa la sheegay inuu u baxsaday degaanka Guulane ee hoostaga degmada Adabn Yabaal ee Gobolka Shabeelada dhexe maamulka H/shabeel. Agaasime Saabeey ayaa ka baxsaday Muqdisho ka dib markii uu ka war helay qorshe la sheegay in lagu soo xiraayo maadaama Agaasime Saabeey uu ka mid noqday masuuliyiin loo soo jeediyey iney ku keceen Musuq-maasuq. Ugu dambayntii,Dawladda Federaalka Soomaaliyeed ayey ka go’an tahay iney la dagaalanto Musuq-maasuqa iyo kooxda Alshabaab waane labada cadaw ee dalka Soomaaliya ragaadiyey dhinacyada amniga iyo horumarka.

ISHA WARKA SB-MEDIA.