SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

AGAASIME SAMBALOOSHE OO SAMEYEY MAGACABIS IYO XIL KA QAADIS.

(SAWIR)-KA. MUXYADIIN WARBAC.

(MUQDISHO)-Marka laga hadlaayo Amniga dalka Soomaaliya gaar ahaan Amniga caasimadda Muqdisho waxaa isla markii caqligeyn ku soo dhacaayo hawsha ey qabtaan Hayadaha Amniga gaar ahaan Haydda NISA iyo Ciidamadda Booliska Mileteriga,ha hilmaamin ciidanka Booliska Soomaliyeedna meesha kama maqna oo hawsha dhinaciisa ayuu ka hayaa. Haydda NISA waa udub dhexaad la dagaalanka Ururka Argagixisadda Caalamiga ah ee AL-Qaacidda faraciisa ka hawlgala Bariga Afrika ee loo yaqaano ALshabaab,ma aha mid sahlan oo la fududeysan karo in lala socdo dhaqdhaqaaqa koox kugu af,dhaqan iyo diin ah kulana deg hal degaan dhagartooda waxa eyna u baahan tahay xirfad ka sareeyso mida ey isticmaalayaan iyo kawaadir ey sareeyso xirfadooda hawl qabad,hadaba NISA waqtigaan yaa Agaasime ka ah?. C/laahi Maxamed Cali(Sambalooshe) waa Agaasimaha waqtigaan ee Hayadda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka(NISA), Sambalooshe ayaa hayadda NISA madax ka soo noqday seddex jeer,markii ugu horeysay waxaa loo magacaabay 9/7/2014-kii waxaane Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud,dhawr bilood ka dibne waxaa lagu bedelay C/raxmaan Tuuryare,Waxaa mar kale Sambalooshe Agaasimaha NISA loo magacaabay 6/4/2017-kii,waxaane magacaabay Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo,waxaane xilka laga qaaday 27/10/2017-kii ka dib markii ey dheceen Qaraxii Zoobe 14/10/2017-kii iyo Dhiibistii Qalbi Dhagax. Hayadda NISA ayaa wixii waqtigaas ka dambeeyey waxa ey gacanta u gashay milkiilihii dawladdii Farmaajo Hogaaminaayey Fahad Yaasiin Xaaji Daahir,waxaane dhacday in Fahad iyo Reysul Wasaare Rooble ey isku dheceen eyna sababtay in xilkii laga qaado Fahad Yaasiin si ku meel gaar ahne loogu dhiibo Taliyihii NISA ee Gobolka Banaadir Yaasiin Fareey. Doorsahaddii Xildhibaanadda Golaha Shacabka Agaasime Yaasiin waxa uu noqday Xildhibaan ku biiray Golaha Shacabka ee BJFS waxayne Golihii Wasiiradda ee Xil gaarsiinta ahaay Agaasimaha NISA u magacaabeen Xil.Mahad Maxamed Salaad taariikhdu markeey ahayd 26/5/2022-dii,waxaane saxiixay Madaxweyn Xasan Sheekh Maxamuud. Markii uu Mahad Salaad haayey Hayadda NISA muddo dhan sannad iyo wax la jiro ayaa waxaa mar seddexaad Xilka Agaasimaha Hayadda Nisa loo magacaabay C/laahi Maxamed Cali(Sambalooshe) taariikhdune waxa ey ahayd 4/4/2024-ta,Agaasime Sambalooshe oo dardar gellinyaao hawsha baaxadda weyn ee hortaalo Hayadda NISA gaar ahaan dagaalka kooxda Alshabaab oo hadda abaabulkiisa uu ka socdo dalka,waxa uuna Agaasime Sambalooshe balanqaaday inuu dib u habeyn ku sameynaayo Hayadda NISA. Taliyeyaasha maanta la kala bedelay ayaa waxaa ka mid ah: (1)-Taliyihii NISA ee G/banaadir Muxyadiin Warbac Shadoor ayaa waxaa loo magacaabay Kaaliyaha Amniga ee Hayadda NISA. (2)-C/fataax Shaaweey,ayaa loo magacaabay Taliyaha NISA ee G/banaadir waxaane xilkaan horay u haayey Warbac. (3)-Taliyaha NISA ee Garoonka Aden Cadde ee magaaladda Muqdisho ayaa loo magacaabay C/qaadir Xaayaw oo horay u soo noqday Taliyaha NISA ee H/shabeele iyo Xarunta G/banaadir,waxaane xilkaan haysay G/l.Sare Xamdi Xarawa. (4)-Taliyaha Kontarooladda Garoonka Aden Cadde ayaa waxaa loo magacaabay Jaamac Cabdi Maxamuud,waxaane xilkaan horay u haayey Taliye C/qani macallin. Waxaa jiro xil ka qaadis iyo magacaabis kale oo lagu sameeyey Hayadda NISA gudaheeda balse weli aan la helin kuwa ey yihiin. NALA SOCO.

ISHA/SB-MEDIA.