AFHAYEENKA UNSOM OO KA HADLAY CODSIGA SOOMAALIYA.
(SAWIR)-KA. AFHAYEENKA UNSOM Mr.ARI GAINTANIS.
(MUQDISHO)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Md.Axmed Macallin Fiqi ayaa caasimadda Kenya waxa uu ka sheegay in Dawladda Federaalka Soomaaliya iney codsi u dirtay Xoghayaha Guud ee Qaramadda Midobe Antonio Guterres warqadaaso ku saabsaneed in la xiro Xafiiska Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM,Wasiirka ayaa sheegay in hadda la joogo waqtigii laga maarmi lahaay Xafiiskaas Soomaaliyana laga kaalmeyn lahaay dhinacyada ey hadda u baahan tahay in laga kaalmeeyo. Arrintaan ayaa waxaa maanta Jimca ah ka hadlay waraysina siiyey laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda Codka Maraykanka(VOA) afhayeen Xafiiska UNSOM Mr.Ari Gaitanis,waxa uuna sheegay in codsiga Soomaaliya uu cadeyn u yahay shaqada qiimaha leh ee UNSOM uu ka qabtay taageeridda Soomaaliya. Xafiiska UNSOM ayaa waxaa Aas-aasay Golaha Amaanka ee Qaramadda Midoobe sannadkii 2013-kii si uu masuuliyiinta Soomaalida uga taageero u gudbka Dimuqaraadiyadda iyo sareynta sharciga ka dib markii dalka Soomaaliya ey ka jireen dagaalo sokeeye,burcadnimo iyo aragagixiso muddo dhan labaatan sano ah. Magaca UNSOM ayaa laga soo bedelay magacii hore ee lagu bilaabay kaaso ahaay UNPOS kaaso soo shaqeeyey intii u dhexeysay 1995-tii ilaa 2013-kii,tobankaaso sano ee uu furnaay Xafiiska QM ee Soomaaliya ayaa waxaa Madax ka soo noqday 17-Ergay kuwaaso ka kala socday 10-Afrika ah,4-Ingiriis ah,2-Maraykan ah iyo hal Ciraaq ah.
ISHA/CAASIMADDA.