AFAR MUHAAJIRIIN OO KU DHINTAY…
SAWIRKA DOONTA GADOONTAY.
(LONDON)-Wararka ka imaanaayo dalka Ingiriiska ayaa waxa ey sheegayaan ineey geeriyoodeen afar qofood lana soo badaadiyey tobaneeyo kale oo Muhajiriin ah ka dib markii ey gadoontay doon ey saarnaayeen,waxa eyna doonta ku gadoontay badda u dhexeyso dalalka Faransiiska iyo Ingiriiska. Doonta ey saarnaayeen Muhaajiriinta oo doonaayey ineey ka soo gudbaan kanaalka u dhexeeyo Ingiriiska iyo Faransiiska si ey halkaas uga helaan megengelyo,waxaane si aad ah u xumaay heer kulka oo waxa ey ahayd waqti dambe oo habeen ah,waxaane si caadi ah loo arkaayey doonta siday Muhaajiriinta oo gadoomayso,sidaas waxaa maanta oo Arbaca ah sheeegtay xukuumadda Ingiriiska. Dawladaha Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa iska kaashaday soo badbaadinta qaar ka mida Muhaajiriintii ka soo badbaaday doonta gadoontay.
ISHA WARKA AFP