ABWAAN HADRAAWI OO GEERIYOODAY.
AUN-ABWAAN HADRAAWI OO GEERIYOODAY MAANTA 18/8/22-KA
(HARAGYSA)-Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame(HADRAAWI) ayaa ka mid ahaay abwaanda Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan gaar ahaan abwaanka ayaa waxaa horay u xirtay xukuumadii milateriga hayad(1973-1978) ee uu hogaaminaayey Siyaad Barre,xiritaanka Abwaan Hadraawi ayey dawladdii siyaad Barre ku sheegtay inuu kicinaayey sahacabka Soomaaliyeed si eey u ridaan maamulka mileteriga.Abwaan Hadraawi ayaa si aad ah waxa uu uga qeyb qaatay SIINLEEYDII caanka ka noqotay dalka Soomaaliyeed socotayne in muddo ah. Abwaan Hadraawi ayaa ku dhashay magaala madaxda gobolka Togdheer ee Burco sannadkii 1943-dii waxa uuna Abwaan Hadraawi ka dhashay qoys faqiir ah oo Soomaliyeed kana kooban sagaal caruur ah hal gabar iyo sideed wiil. Abwaan Hadraawi ayaa u baqoolay dalka Yamantii Koonfureed isagoo da’adiisu tahay toban jir waxa uuna halkaas kula noolaay adeerkiis oo deganaay dalkaasi Yaman,halkaas ayuu Abwaam Hadraawi ka bilaabay waxbarashadiisa waane halka uu ka soo raacay magaca ah HADRAAWI kaaso asal ahaan ah ABU HADRA kaaso uu u bixiyey macalinkiisa wax baraayey,waxa uuna Hadraawi macallin ka noqday dugsiyadda Yamantu leedahay ee ku yiilay magaaladda Cadan.Xurnimadii iyo israacii labada gobol Waqooyiga iyo Koonfurta Soomaliya Hadraawi waxa uu u soo guuray dalka Soomaaliya gaar ahaan magaaladda Muqdisho halkaasuu ka galay Jaamicaddii Ummadda Soomaaliyeed(JUS) gaar ahaan kulliyaddii Waxbarashadda ee Lafoole waxa uuna barre Sare ka noday isla Kulliyadda Waxabarashada Lafoole ee JUS,waxa uune Abwaan Hadraawi hawshiisa fanka ka weday Raadiyo Muqdisho oo waxa uu curin jiray Heeso Jacayl u badan iyo kale heesihiisa kuwooda ugu dhaadheer waxaa ka mid ah: HEESTA HOOYO EE UU QAADAY AUN-MAXAMED SALEEBAAN TUBEEC IYO HEESTA BELEDWEYN EE UU QAADAY XASAN AADAN SAMANTAR,dhinaca Riwaayadaha waxaa ka mid ahaay AQOON IYO AFGARAD.
ISHA WARKA WAKAALADO.