SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

ABAABUL CULUS OO KA SOCDA HIIRAAN.

(SAWIRKA)-HAWLGALKA G/HIIRAAN.

(B/WEYNE)-Wararka ka imaanaayo caasimadda Gobolka Hiiraan ee bartmaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaayo in Taliyaha Ciidanka Naba Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA Md.C/laahi Maxamed Cali Sambalooshe oo ey wehliyaan Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed Sahal C/laahi Cumar iyo Ergayga Madaxweyna Dr.Xasan Sheekh Maxamud u qaabilsan ciidanka degaanka ee loo yaqaano Macaawiisleyda Md.Cali Jeyte Cismaan ayaa abaabulkii ugu dambeeyey ee hawlgalka ka dhanka ah Alshabaab ka wada Gobolka Hiiraan. Masuuliyiintaan ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa ey ku sugnaayeen furimaha hore ee dagaalka,gaar ahaan nawaaxiga degmada Buula-Burte ee G/hiiraan,masuuliyiinta ayaa halkaasi kula hadlay ciidamadda DFS iyo kuwa degaanka waxa eyna u sheegeen iney u diyaar garoobaan dagaalka ALshabaab looga xureynaayo qeybaha ey ka joogaan G/Hirraan. Taliyaha NISA Md.Sambalooshe oo hadda ku suagan jiida hore ee dagaalaka ayaa u sheegay ciidamada iskaashanaayo in la joogo waqtigii la soo afjari lahaay kooxda ALshabaab. Taliye Sambalooshe ayaa yiri”Waxaa la idinka doonaa inaad qeyb muhiim ah ka qaadataan dagaalka lagu xureynaayo dalka,waxaane lagama maarmaan ah inaan iska qabano dadka ku dhex jira Alshabaab ee anagana nagu dhex jira,waxaan rabnaa inaan cadawga ugu tagno meelaha uu joogo,si aan uga xurawno dhibaatada ey shacabka ku hayaan”. Gobolka Hiiraan ayaa ah halka uu ka bilawday kacdoonka looga soo horjeedo kooxda Alshabaab ee sababay in kooxda ALshabaab jabaan laga saaro dhul ey maamulaayeen in muddo ah.

ISHA-SB-MEDIA.