SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

WAXYEELAYNTA DUMARKA QAXOOTIGA AFRIKA OO KOR U KACDAY.

Sida eey qortay wakaaladda wararka calaamiga ah ee RUTERS in ka badan 70% dumarka barakacayaasha iyo qaxootiga ee qaaradda afrika ayaa waxa soo foodsaartay dhibaatooyin loogu gaysanaay gudaha dalalka eey u qaxeen iyo kuwa eey dhexdooda ku barakaceen bulshooyinka ku nool inta lagu guda jiray COVID-19-KA,waxaane sidaas lagu ogaaday baaritaan la sameeyey oo la soo bandhigay maanta oo khamiis ah.

In ka badan nuska 850-dumar ah oo la wareeystay kuna kala sugan 15-dal oo ka tirsan wadamadda qaaradda afrika ayaa sheegay ineey korortay dhibaatooyinka dhinaca galmada ah ee loo geeysto dumar qaxootiga ah ama barakacaaylka ah,waxaane korortay seddex meelood hal meel guurka gabdhaha aan weli gaarin waqtigii guurka. XIGASHO REUTERS.

RIIX HALKAAN.