SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

Waa maxay sababta loo xiray Ganacsade Xaaji Maxamuud Cumar Cadaan?

Tan iyo markii hayadda NISA loo magacabay inuu agaasime ka noqdo Ex-wariye Faha Yaasiin waxaa soo badanaayey tacadiyadda magaca hayaddaas loogu geeysto dad magac iyo sharaf ku dhex leh shacabka soomaaliyeed,ujeedada tacadiyadaas ayaa intooda badan ah kuwa ku saleeysan arrimo siyaasadeed,heeyb sooc iyo kaa adki,arrintii ugu dambaysay ee ka mida tacadiyadda NISA ku hayso dad magac leh kana soo jeedo gobolka banaadir ayaa ah xiritaan loo gaystay ganacsato ka tirsan gobolka banaadir waxaane ganacsatadaas ka mida Xaaji Maxamuud Cumar Cadaan iyo Cadceed cismaan shuuriye labadaan ganacsade ayaa waxa la xiray 23/9/2020-ka ilaa maanta uu eey bisha otoobar tahay 5-2020-ka lama horkeenin maxkamada,hadaba arrinta nimankaan ayaa waxaa ka dhashay su’aalo fara badan una baahan in loo helo jawaabo caqligala,dhinaca kalane NISA ayaa waxaa kaloo u xiran wiil dhallinyara ah kana mida dhallinta ku shaqeysata xirfadda ah majaajiladda wiilkaan ayaa la dhahaa BAAQULI BOY PRANK,Baquli ayaa NISA u xiran in ka badan 11-maalmood sabab aan la cadeeynin balse NISA ayaa cideey xirto ku soo eedeyso inuu ka tirsan yahay alshabaab sidii wariye Abuuja,waxaase jiro warar kale oo sheegaayo in baaquli boy diiday lacag baad ah eey weydiisteen dhallinyaro ka tirsan NISA ee dhar cadka ah isna uu diiday arrintaas,Baaquli boy ayaan isna ilaa hadda la keenin wax maxkamada waxaane lagu hayaa isaga iyo ganacsatadaba Godka Jilacaw ee magaaladda Muqdisho.

Haddii aan u soo laabto ganacsatada u xiran NISA kuwaasoo tiradooda lagu sheegay ineey dhan tahay 9-ganacsade ayaa ku eedeysan ineey xiriir la sameyeen alashabaab walaw aan cadeeyn loo hayn tuhunkaas,balse waxaa jiro warar kale oo aad uga duwan eedeynta NISA u soo jeedisay ganacsatada reer Muqdisho.(1)-Waxaa jiro war sheegaayo in mid ka mida ganacsatada lehne goob lagu gado batroolka in NISA agtiisa ka sameeysatay bar koontarool markii uu u tegayne una sheegay in bartaan koontarool agtiisa laga qaado jawaabtii eey noqotay xarig iyo alshabaab ayaa la shaqeysataa. (2)-DFS ayaa waxa eey qabtaa tuhun ah in Imaaraatka carabta doonaayo inuu dalka soo geliyo lacag uu ugu talagalay inuu ku taageero siyaasiyiinta isaga taageersan kana mida musharixiinta xilka madaxweyne ee sannadka 2021-ka lacagtaas taagereradda ah kana imaaneysa Imaaratka ayey DFS cabsi ka qabtaa ineey Muqdisha ka dhiibaan ganacsatada reer Muqdisho sidaas darteedna eey arrintaan u sameeysay. Marka laga hadlaayo alshabaab iyo ganacsatada soomaaliyeed waa uu jiraa tuhun ah in qaarkood la leeyihiin gacan saar haba ugu badnaadaaneed kuwooda leh hantida ugu badan mana ah mid qarsoon in alshabaab canshuur ka qaadaan ganacsatada,laakinse mid ayaan la is weydiin waa xagee meesha alshabaab ka helaan xogta alaabadda u imaaneyso ganacsatada ka hor inta eeysan dekadda kala soo bixin? Ma waxaa la dhihi karaa halka badeecadda laga soo raray ayaaba alshabaab joogaa,mase alshabaab waxa uu joogaa xafiiska eey ku soo dhacaan wararka la xiriiro badeecadda imaaneysa dekadda Muqdisho,ma aha mid kala cad arrintaan la xiriirta in wada shaqeyn ka dhexeyso alshabaab iyo ganacsatada sida eey u cadahay in wada shaqeyn ka dhexeyso NISA iyo alshabaab,gabagabadii waan arki doonaa waxa ka soo kordha arrinta dadkaan u xiran hayadda NISA welina aan la hor keenin maxkada.