SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

Maamul Goboleedyada iyo DFS oo shir…

waxaa lagu wadaa in maalinta berri ah oo ah Axad kuna beegan 13/9/2020-ka,in shir magaaladda Muqdisho uga furmo DFS iyo maamul goboleedyadda ka tirsan dawladda federaalka soomaliyeed,shirkaan Muqdisho ayaa waxa uu daba socdaa shirkii dhuusamareeb-3 kaasoo eey maqnaayeen MW-nayaasha Puntland iyo Jubaland sababta maqnaashahooda ayaa lagu sheegay ineeysan ka qeybgelayn dhuusamareeb-3 dalka oo aan lahayn R/wasaare iyo asbaabo kale oo aan la shaacin,waxaane arrinta soo farageliyey beesha caalamka eey ugu horeeyaan Uk iyo Maraykanka gaar ahaan safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ayaa madaxda maamuladdii ka baaqday shirkii Dhusamareeb-3 ku tilmaantay ineey yihiin QASWADAYAAL waxaane eraygaas ka carooday Mw-naha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uguna jawaabay safiirka Maraykanka inuu yahay mid uun bixiya fiisadaha dalkiisa sahqana uusan ku lahayn arrimaha soomaalidda.

Beesha caalamka oo ku bixisay waqti sidii la isu soo hor fadhiisin lahaay seddexdii maamul iyo DFS iyo labadii maamul ee ka maqnaay shirkii Dhuusamareeb-3 ayaa waxaa u suuragashay ineey is hor fadhiisiso madaxdii is diidaneed balse markii dambe u muuqday ineey u kala bexeen laba kooxood oo mid walbana wadato danteeda u gaarka ah,tusaale ahaan Mw-neyaasha maamuladda Hirshabeele,Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa waxa eey shir ku yeesheen caasimadda ku meel gaarka ah ee Koonfur Galbeed Baydhabo waxa eeyna hawadda hadalo kulkulul u mariyeen MW-neyaasha Puntland iyo Jubbaland hadalaasoo laga dhedhensan karay ineey dhinaca DFS u bateen kuna aragti noqdeen sabab kasta haku dhacdee waxa eeyna yimaadeen Muqdisho ayagoo wada socdo,is raaca seddexdaan maamul ayaa loo sababeeyey dhawr arrimood eey ugu weyn yihiin: 1-Mw-nayaasha seddexdaan maamul ayaa kurisga ku yimid awooda DFS iyo dhaqaale eey bixisay. 2-Waxaa ayana jirto lana hadal haayaa marnana aan inaga qarsooneeyn in dawaladda Qadar lug ku leedahay arrimaha soomaaliya waxaane la soo sheegay ineey bixisya kharash gaaraayo ilaa 2-milliyan doolar halkii maamulba waxaane kharashkaas maamuladda gaarsiiyey wakiilka dawladda Qadar ahne agaasimaha hayadda aan wax sharci ah ku dhisneeyn ee NISA Ex-wariye Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Mw-nayaasha Galmudug Qoor-Qoor iyo Axmed Madoobe ayaa waxa eey ka safreen magaaladda Muqdisho oo waxa eey kala aadeen Nayroobi(Kenya) iyo Kismaayo,Qoor-qoor ayaa la soo sheegay inuu Nayroobi u aaday dhawr arrimood eey ugu muhiimsan yihiin inuu rabo inuu Muqdisho keeno R/w-raha cusub ee la magacabi doono lana yiraahdo C/kariim Xuseen Guuleed ka dib markii eey isaga iyo MW-ne Framaajo sidaas isku afgarteen sida la sheegay,arrinta labaad eey iyana la hadal haayo ayaa ah in Qoor-Qoor halkaas kula kulmayo madaxa sirdoonka ee dalka Imaaraatka carabta ee bariga afrika Xuseen Darwiish Al-shaami waane arrin ka careeysiin karta DFS oo gacan saar fiican la leh dawladda QADAR oo colaad xoogan kala dhexeeyso Imaaraatka carabta mana la saadaalin karo sida hal masuul uu u kulmin karo laba dawladood oo iyaga cadaw isku ah danahooda,laakinse MW-ne Axmed Madoobe ayaa kismaayo ugu safray sidii uu uga qeybgeli lahaay aaska madaxii rugta ganacsiga iyo warshadaha Jubaland AUN-Shaafi Raafi Kaahin kaasoo maalintii jimcaha uu naftiis haliga isku qarxiyey ka dib markii uu ka soo baxay salaadii Jimcaha,hayadaha amaanka Jubaland ayaa weli baaritaan ku wada sida loo soo qorsheeyey ismiidaaamintaan looguna guulaystay mana la soo sheegin cid ilaa hadda loo soo qabtay sida caadiga ahayd dilka Shaafi waxaa sheegtay Alshabaab. Mira dhalka shirka Muqdisho ayaa ah mid aad u yar waayo maamuladda Hirshabeele,Koonfur galbeed iyo Galmudug ayaa waxaa ka go’an ineey qaataan go’aan u dan ah DFS kaasoo nabar ku ah maamuladda Puntland iyo Jubaland,go’aanka la hadal haayo ayaa ah in DFS loogu daro sannad si dalka eey u gaarsiiso doorasho la wada ogol ah halka maamuladda Puntland iyo Jubaland,Midawga xisbiyadda qaran iyo mucaaradka ayaa rabaan in doorashadda ku dhacdo waqtigeeda nuuceey doonto ha noqotee,midne waxaa ka taagan muran ba’an taasoo ah in go’aamadda la gaaro aan la marsiin golaha shacabka oo sidooda loo qaato taaso ka dhigan in golaha shacabka yahay midaan wax luga ku lahayn hanaanka doorashooyinka dalka ayagoo og ineey yihiin hayadii sharci dejinta dalka isla markaasne eey horey u ansixiyeen shaciga doorashooyinka oo ah QOD iyo COD.