SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

90-TAHRIIBE OO LA SOO BADBAADIYEY.

(SAWIRKA DOON SIDA MUHAAJIRIIN AAN SHARCI AHAYN.

(ATHENS)-Xukuumada ka jirta Koonfurta dalka Giriiga ayaa sheegtay maanta oo Isniin ah(12/6/23)-ka in sagaashan Muhaajiriin ah eyna ka mid yihiin 37-caruur ah la soo badbaadiyey eyna soo badbaadisay dooni yar oo sidatay calanka dalka Maraykanka taaso ku sugneed biyaha u dhexeeyo dalalka Turkiga iyo Talyaaniga. Soo badbadinta Muhaajiriinta ayaa dhacday shalay oo Axad ahayd ka dib markii Muhaajiriinta ey dhibaatoodeen eyna weceen ciidamadda Giriiga ee ku sugan Jaziirada Kythira taaso 250-kiilomitir koonfur galbeed kaga beegan caasimadda Athens. Ilaalada xeebaha dalka Giriiga ayaa sheegay in soo badbaadinta Muhaajiriinta ey ka qeyb qaateen seddex markab waxa eyna ku guukeysteen iney soo badbaadiyaan 38-raga,18-dumara,27-willala iyo 10-gabdhood dadkaan la soo badbaadiyey ayaa ka soo kala jeedo wadamada”Afgaanistaan,Pakistan,Bangaladeesh,Ciraaq iyo Masar”.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRISO.