SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

9-MUHAAJIRIIN OO LAGA SOO FURTAY MA GEFE.

(SAWIRKA)-MUHAAJIRIIN MASAARI IYO SUUDAAN AH.

(TRIPOLI)-Masuuliyiinta dalka Liibiya ayey u suurtagashay iney soo furtaan 9-qofood oo u kala dhashay dalalka Masar iyo Sudaan kuwaaso ey qafaasheen kooxaha dadka Tahriibiya ee Tabruuk. Ila wareedyo Liibiyaan ah ayaa daaha ka qaaday in maamulka ey u suurtagashay iney soo daayaan Muhaajiriin sharci darra ah una kala dhashay wadamadda Masar iyo Sudaan kuwaaso lagu haayey gudaha beer ku taalo degaanka AL-Watar ee Koonfurta Tabruuk,waxa eyna xukuumadda Liibiya sheegtay in Muhaajiriintaan loo musaafurin doono dalalkooda. Dhawr bilood ka hor dawladda Liibiya ayaa go’aansatay iney xireen tobanaan Masaari ah kuwaaso si sharci darra ah ku soo galay dalka Liibiya iyagoo isku dayey iney u Tahriibaan Yurub. Xukuumadda Liibiya ayaa sheegtay in Ciidamadda Ilaaladda ee agaasinka Taageeradda Gobolka Galbeed ey u suurtgashay iney gacanta ku soo dhigaan tiro Tahriibayaal ah oo isku diyaarinaayey iney Tahriib dhanka badda ah u garaan magaaladda Zuwara xagaagii la soo dhaafay iyadoo intaasi ku dartay in dadkaasi loo tarxiilay dalka Masar. Xoga hore ey heleen warbaahinta ayaa sheegaayo in dadka Masaaridda ah ee la xiray intooda badan ey ka soo jeedaan Saaxil Selim ee Gobolka Asyuud ee koonfurta Qaahira,halkaas oo ey shqqo u doonteen dalka Liibiya, ka dibne qorsheeyeen iney u Tahriibaan Yurub iyagoo sii maraayo Maafiyadda socdaalka sharci daradda ah. Sannad ka hor, xukuumadda ayaa go’aamisay in la musaafuriyo boqolaal Masaari ah oo si sharci darra ah ku galay dalkaasi si ey uga shaqeystaan ama ugu Tahriibaan Yurub, gaar ahaan Talyaaniga. Xukuumadda Libiya ayaa shaaca ka qaaday in boqolaal Tahriibayaal ah lagu xiray hooy ku yaalo magaaladda Tabruuk ka hor inta eysan u safrin Talyaaniga,waxaane ku jira 25-caruur ah,kuwaaso intooda badan ka yimid hal tuulo oo ku taalo Gobolka Sharqiya ee Waqooyiga dalka Masar. Waxaa xusid mudan in Xukuumadda Masar ey dejisay shuruuc ka hortagta socdaalka sharci darada ah iyo cid kasta oo ka qeybqaadaneysa abaabulka iyo fududeynta,iyadoo ku nuuxnuuxsatay in la adkeeyey xuduudaheeda si looga hortago soo gelootiga sharci darada ah ee uga soo gudbaayo xeebaha dalka Masar.

ISHA-ARABIYA.