KUWEEYT OO GACANTA KU DHIGTAY….
Marka laga hadlaayo kooxaha argagixisadda waxaa isla markii caqligaad ku soo dhacaayo Alqaacidda iyo Daacish,labadaan kooxood ayaa waxa eey dagaalyahano da’a yar ah ka qortaan dalalka carabta ah si eey hawlgallo uga fuliyaan wadamadooda. Dalka Kuweeyt kana mid ah wadamadda khaleejka ee hodanka ku ah batroolka ayaa waxaa ka dhacday arrin halis ku ah amnigooda oo waxaa khadka internet-ka lagu qortay seddex dhallinyara reer kuweeyt ah kuwasoo da’adooda u dhexeeyso(15-18)-jir si eey gudaha kuweeyt uga sameeyaan falal argagixso waqtiga lagu guda jiro dabaal dega ciida sannadka cusub ee 2021-ka,ciidamadda la dagaalanka xag-jirnimada ee dalka Kuweeyt ayaa waxa eey dabagal dhinaca internet-ka ah ku sameeyeen dhallinyaradaas oo ayaga asal ahaan laga qortay Facebook-ga waxaane la soo xiray laba ka mida dhallinyaradaas da’adoodana u dhexeeyso(15-16)-jir. XIGASHO KUWAIT TIMES.