SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

800-MAXBUUS OO LA ISDHAAFSADAY GUDAHA YEMAN.

MAXAABIIS ISDHAAFSI KA DHACAY YEMAN.

(SANA’A)-Maalmihii la soo dhaafay waxaa dalka Yeman ka socday dadaal xoogan oo lagu doonaayo in la isdhaafsado Maxaabiista lagu kala qabsaday dagaalka dalka Yeman,maanta oo Jimca ah(14/4/23)-ka ayaa waxaa Yeman ka dhacday Maxaabiis isdhaafsi u dhexeyso labadii koox ee isku haysa talada Yeman,sidaas waxaa sheegtay Hayadda Laanqeerta Cas ee Caalamiga ah. Wada hadalo ey gar wadeen ka tahay Qaramada Midoobay oo soo shaqeeyey muddo bilo ah ayaa noqday Riwaayad ey juhdi geliyeen diblomaasiyiinta,tan ayaa lagu dhexdhexaadinayey Xukuumadda caalamku aqoonsan yahay iyo Xuutiyiinta. Hawl socotay muddo dhan seddex maalmood ayaa macna weyn u sameysay isdhaafsiga Maxaabiista ee ka dhacday gudaha dalka Yeman,Maxaabiistaan ayaa lagu kala qabsaday intuu scday dagaalka u dhexeeyey isbahaysiga u hogaaminaayey Sacuudiga iyo kooxda Xuutiyiinta uu taageero Iraan,waxaan horay u dhacday in la isdhaafsaday 1000-Maxbuus sannadkii 2020-kii.

ISHA WARKA WAK.

HAKAAN KA SI AKHRI.