TURKIGA: WARSHADO LA WEERARAY.
(SAWIRKA)-WEERARKII ARAGAGIXISO EE KA DHACAY ANKARA.
(ANKARA)-Sida ey sheegayaan wararka inaga soo gaaraayo caasimadda daka Turkiga ee Ankara, waxaa weerar Argagixiso lagu qaaday Xarumaha Washadaha Hawada Sare ee dalka Turkiga(TAI) ee ku yaalo caasimadda Turkiga ee Ankara sida uu sheegay sarkaal sare maanta oo Arbaca ah,weerarkaan ayaa sabbay dhimasho iyo dhaawac sida laga soo xigtay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Turkiga Md.Cali Yerlikaya. Wasiirka Warshadaha iyo Teknolojiyadda dalka Turkiga Md.Mehmet Fatih Kacir ayaa sheegay in dalku aanu dib uga laaban doonin Warshadaha difaaca iyo “Safarka Hindisaha Tiknolojiyadda Qaranka”. Wasiirka Cadaaladda ee dalka Turkiga ayaa isna cambaareeyey weerarka waxa uuna yiri”Baaritaan uu sameeyey Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Ankara ayaa ku saabsanaay falkii Argagixisada ahaay,waxaane kiiskaan loo xilsaaray ilaa sagaal Xeer ilaaliya.
ISHA-AA.