Taliye Kaniif oo ku hawlan dhul boob..
Waa wax laga xumaado inaan maqalno in wax aan u fiicnayn dhegaha inta jecel horumarinta waxbarashadda dhallinyaradda soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda ku dhaqan magaaladda Muqdisho ,waxaa waran nagu mudan ahaay hadalkii ka soo yeeray siihaayaha wasiirka waxbarashadda Goodax oo si araxan darri ah u qalbi jebiyey ardayda G/Banaadir ee wax ku baratay duruuf ka gedisan tan eey ku sugan yihiin ardayda kale ee ku nool maamul goboleedyadda,jidadkii waa eey xiran yihiin oo socodka waa uu ku adag yahay,tuug hubaysan oo dhac u gaysata dhallinyaradda mararka qaar dishana waa ka jirtaa Muqdisho,waalidkii sugaayey ineey uun mar arkaan ubadkii nasin lahaay Goodax quus ayuu soo istaajiyey waayoo isaga iyo kuwa la midka ahba caruurtooda waxa eey u haystaan waxbarasho lacag la'aan ah ilaa heer jaamicadeed,mana ka xirna jidadka oo halkeey doonaan ayey mari karaan kana soo adeegan karaan,macagagnimada uu muujiyey wasiir Goodax waa mid taariikhda u gashay kana hari doonin isaga iyo ciddii u dhiibtay waxbarashadda. Waxaase isaga beentaa yiri meelna fadhisiyey Gud.Cumar Filish oo aradayda G/banaadir ku sheegay ineey yihiin kuwa aan dadaalin taas bedelkeedana ku mashuuqleen TIKTOK iyo istcmaalka TAABUUGA,waa yaabe Taabuuga lagu kor iibiyo gaari gacanadda magaladda Muqdisho yaa ka qaado canshuur,yaa soo marsiyey dekadda iyo garoonka diyaadaha aadan Cadde,haddii Gud.Filish aad tiri ardayda G/Banaadir Taabuug ayey isticmaalaan adigoo u cabsanaaya kusigaaga miyeysan fool xumo kuugu muuqan inaad dembiileyaal ka wada dhigtid ardaydii G/Banaadir oo dhan waayo Taabuuga waa qeyb ka mida Mukhadaraadka,mase ilawday Gud.Filish in wiiilka Goodax darbeeyey mustaqbalkiisa aabihiis ka biili jiray gaari dameer uu kaga shaqeeysto suuqyadda Muqdisho adigane aad u raacisay Taabuug ayuu istcmaala,ogow G.Filish in ardayda Muqdisho ineeysan iloobi doonin hadalkaad tiri bahda waxbarashadda G/Banaadir kula kori doonaan maxkamad lagaana rabo cadeeyn inaad u keentid hadalkaad tiri.
Haddii aan u soo noqdo ujeedada qoraalkaan ayaa ah inuu Muqdisho iga soo gaaray hadal aan i farxad gelin iiguna darsamay hadaladdii ka soo yeeray Goodax iyo Filish,waxaa la i soo sheegay in albaabadda la isugu dhufan doono Dugsiga Hooyga Xamar oo ah dugsi eey seexdaan ardayda dhigata,dhulka uu ku yaalo dugsigaas ayaa waxaa warqad lahaansho dhulk u soo sameystay ganacsade la yiraahdo Cabdi Xalane,ganacsadahaan ayaa ku reer ah taliye ku xigeenka koobaad ee booliska soomaaliyeed S/G-Cismaan Maxamed Cabdullaahi(Kaniif) waxaane socdo qorshe la doonaayo in awood ciidan lagu xiro dugsigaas eey hadda dhigtaan arday gaarayso 1500-arday,xagee aaday damiirkii dadkii ehelka u ahaay aqoonta horumarinteed,maxayse inoogu fiirsanaayaan kuwaan magaaladda soo galay ayagoo caga cad unahaysta in waxbarashadda tahay mid laga maarmi karo ileeyn iyagaan soo marine,xageese reer Muqdisho loo saarsan yahay oo la rabaa in la dhigo waxa socdaa waa xad gudub dhaafay xadkiisa.
Ugu dambayntii,bahda waxbarashadda G/banaadir waxaan idinkula dardaarmaa inaad muujisiin isku duubni iskana ilaalisiin in idinka la isku kiin diro si meesha looga saaro kuwii dulmiyey ardayda reer Muqdisho,ogaadane inaan ahay shaqsi ka tirsanaay bahda waxbarashadda G/Banaadir berisamaadkii balse qalbigiisa idinla joogo Muqdisho,mana joojin doono inaan soo gudbiyo xogaha la xiriiro waxbarashadda sida dhacdadaan taagan hadda.