78-DAL OO KA QEYBGALAY…
MARTI SHARAF KA QEYBGASHAY CALEEMA SAARKA ERDOGAN.
(ANKARA)-Todabaadkii inaga tegay waxaa dalka Turkiga ka dhacday doorasho ku celis ahayd ka dib markii tartamayashi ey ku guul daraysteen in midkoodna gaaro inuu helo codadka dhan 50% si dalka uu u hogaamiyo,doorashada ayaa dhacday maalintii Axada kuna beegneed 28/5/23-ka waxaane doorahsadaasi ku soo baxay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan oo helay 52.5% codadkii dadka ey dhiibteen waxa uune MW-Erdogan dalka Turkiga sii haay doonaa muddo dhan shan sanadood. Xafladda caleema saarka Madaxweyne Erdogan ayaa waxaa ka qeybgelayo saraakiil uu aad u sareeyo heerkooda kana kala socda 78-dal oo adduunka ah waxa uuna caleema saarku dhacayaa maanta oo Sabti ah(3/6/23)-ka. Xaflada caleema saarka Erdogan ayaa waxaa u yimid gudaha dalka Turkiga 21-Madaxweyne,13-Reysal Wasaare,Madax Baarlamaano iyo masuuliin kale oo heer Wasiiro ah,waxaa kaloo xaflada yimid ururo ey ka mid yihiin OTS,NATO iyo ururka Islaamka adduunka.
ISHA WARKA AA.