7-DII MAARSO WIXII KA DHACAY SANCA-YAMAN.
Tiradda muhaajiriinta ee gubatay dabadeedna dhimatay gudaha dalka Yaman bishaan Maarso-7-2021-ka ayaa waxaa ka dambeeyey ciidamo taabacsan Xuutiyiinta oo gantaal ku riday xabsiga lagu haayo dadka sharci daradda ku soo galo caasimadda Sanca-yaman waxa uuna xabsigaan ku yalaalaa waaxda socdaalka dalka Yaman.Boqolaal muhaajiriin ah kana badbaaday weerarka loo adeegsaday gentaalka una badnaa Itoobiyaan ayaa waxa banaanbax ku sameeyeen afafka hore ee xafiiska hayadda qaxootiga(UNHCR) ee magaaladda sanca-Yaman,banaanbaxayaasha ayaa waxa eey ka cabanaayeen xaaladda goobta lagu haayo marka la soo qabto.
Hayadda u dooda xuquuqda aadanaha “HUMAN RIGHTS WATCH” ayaa waxay telefoonka ku wareeysatay qaar ka mida muhaajiriinta ku xiran waaxda socdaalka Sanca-yaman halkaaso eey maamulaan Xuutiyiinta,muhaajiriinta la waraystay ayaa sheegay inaan la siin joodariyeyaal eey ku seexdaan balse eey ka iibsadaan waardiyaha,cuntadana waa mid xadidan mana laha cabitaan inagu filan,waxaane maxaabiista lagu qasbaa ineey biyaha ka cabaan musqusha”. Waxay kaloo muhaajiriinta la waraystay sheegeen “haddii aad rabtid in lagu daayo kana baxdid xabsiga waa inaad waardiyaha siisaa lacag dhan RY-70,000 una dhiganta US$280. XIGASHO HUMAN RIGHTS WATCH.