50-JIR SACUUDI AH OO DAD KU LAAYEY DALKA JARMALKA.
(SAWIRKA)-GOOBTII EY WAX KA DHECEEN.
(MAGDEBURG)-Shalay ayey ahayd markii gaari weyn la jiirsiiyey dad ka suuqeysanaayey suuq lagu iibiyo waxyaabaha loogu dabaaldego Ciida Kirismaska,weerarkaas oo ahaa mid geystay waxyeelo taabtayne shacabka Jarmalka ayaa la sheegay inuu fuliyey shaqsi kasoo jeedo dalka Boqortooyada Sacuudiga laguna magacaabo Taalib Cabdulmuxsin oo 50-sano jir ah baranaayeyne Cilmiga Caafimaadka. Dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegay in ninkaan geystay dhibka uu ahaa nin Xagjir ah isagana soo cararay dalka Sacuudiga sidaas darteedne dawladda Sacuudiga ey la wadaagtay in Taalib Cabdulmuxsin yahay nin khatartiisa leh tahayne in la iska ilaaliyo lagana feejignaado,walaw Sacuudiga uusan sheegin waqtiga uu arrinkaan la wadaagay dalka Jarmalka. warbaahinta dalka Jarmalka ayaa maanta oo sabti ah waxa ey wax ka qoreen dhacdadaas sida WD-news oo yiri,shan ayaa ku dhimatay oo uu ku jiro ilmo yar,waxaane ku dhaawacantay ilaa 200-qof oo kale ka dib markii baabuur jiiray dad ku sugnaa suuqa Kirismaska ee Magdeburg. Jansilarka dalka Jarmalka Scholz iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Nancy Faeser ayaa booqday Magdeburg si ey u soo arkaan dhibanayaasha dhaawacmay,Eedeysanaha geystay dhibka ayaa la dhigay Xabsiga,ninkaan ayaa haysta dhalashada dalka Sacuudiga,waxa uuna haystaa Sharci degaanaansho oo rasmi ah ee dalka Jarmalka,waxa uuna dalka Jarmalka ku sugnaay tan iyo sannadkii 2006-dii. Ilo wareedyo ayaa sheegaayo in ninka geystay dhibka uu ahaa Muslim Shiica ah kana soo jeedo magaaladda AL-Xufuuf loona yaqaano AL-Axsa’a kuna taalo Bariga dalka Sacuudiga. Dadka Shiicada ah waa dad laga tiro badan yahay gudaha dalka Sacuudiga waxa eyna tiro ahaan ka yihiin shacabka Sacuudiga 10% halka inta kale ey yihiin Sunniyiin. Sida ey sheegtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalka Jarmalka,waxaa ilaalo buuxdo laga qabtay dhammaan goobaha lagu iibiyo waxyaabaha loogu talagalay ciida Kirismaska ee ah dhammaadka bishaan Diseembar si looga hortago dhacdadii shalay oo kale.
ISHA-DW.