SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

44-SANO KA DIB AYA MEYDKIISA LA SOO HELAY.

(SAWIRKA)-XUSEEN SAMI MAQAM.

(TEHRAN)-Taliyaha Gudiga baadigoobka askarta la la’ayahay ee ka tirsan Ciidamadda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iraan Gen.Maxamed Bagherzadeh ayaa ku dhaawaqay in la helay meydkii shahiid”Xuseen Saami Maqam” 44-sano ka dib. Intii lagu guda jiray kulanka Axada ayuu Gen.Bagherzadah wuxuu ku dhawaaqay in meydka Saami Maqam oo shahiiday 1980-kii meydkiisa loo wareejin doono Isfahan si loogu sameeyo aas kaaso loo qorsheeyey inuu dhaco bisha soo socoto seddexdeeda. Gen.Bagherzadah ayaa sheegay in 44-sano ka dib Meydka Marxuum Saami Maqam laga helay Gobolka Waqooyi Galbeed ee dalka isla markaana lagu aqoonsaday warqadiisa Aqoonsiga(ID). Saami Maqam waxa uu ku shahiiday koox kacaan diid ah oo ku suganeed Gobolka Sardasht ayuu hadalkiisa sii raaciyey Gen.Bagherzadah. Dhanka xafladda Aaska,Gen.Maxamed Bagherzadah waxa uu xusay in 31/7/24-ka ey dhici doonto munaasabad lagu soo dhaweynaayo Meydka Marxuum Xuseen Saami Maqam,waxa eyna ka dhici doontaa Gobolka Kordestan ee Galbeedka dalka Iraan,waxaane xigi doonta munaasabad dhici doono 1/8/24-ka taaso ey ka qeybgelayaan seddex caruur ah uu dhalay marxuumka. Sidoo kale,Gen.Maxamed Bagherzadah waxa uu shaaca ka qaaday in Aaska marxuumka uu dhici doono Salaada Jimcaha ka dib markeey taariikhdu tahay 2/8/24-ka magaaladda Tehran,iyadoo meydka marxuumka loo gudbin doono Isfahan taariikhdu markeey tahay 3/8/24-ka,waxaane lagu wadaa in marxuumka la Aaso taariikhdu marka ey tahay 4/8/24-ka.

ISHA/IRNA.