SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

43-QOFOOD OO SHIL TARIIN UGU DHINTAY…

SHILKII LABADA TARIIN EE ISKULA DHACAY GIRIIGA.

(GIRIIGA)-Kooxaha gurmadka ee dalka Giriiga ayaa baadi goob ugu jiro ilaa habeenkan caawa oo Arbaca ah waqti dambe sidii loo soo heli lahaay dad ka badbaaday labadii tariin ee iskula dhacay Waqooyiga dalka Giriiga,shilkaan ayaa ilaa iyo hadda inta la xaqiijiyey waxaa ku geeriyooday 43-qofood waane shilkii tariin ee ugu xumaay ee ka dhaca dalka Giriiga. Reysal Wasaaraha dalka Giriiga Kyriokos Mitsotakis ayaa sheegay in shilka dhacay uu u dhexeeyey laba tariin oo kala ah mid qaada rakaabka iyo mid qaada xamuulka reysal Wasaaraha ayaa intaa raaciyey”Waa shil tariin oo Argagax leh mana aha shil horay uga dhacay dalka Giriiga”waxa uuna RW-Kyriokos balanqaaday in la sameyn doono baaritaan madax banaan.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI