SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

42-QOFOOD OO LAGU DILAY BAKISTAAN.

(SAWIRKA)-GOOBTA SHILKU KA DHACAY.

(PESHAWAR)-Wararka laga helaayo dalka Pakistan ayaa sheegaayo in koox hubeysan ey rasaas ku fureen gaadiid ey la socdeen dad Shiica ah oo ku sugnaay Gobolka Waqooyi-Galbeed ee dalka Pakistan,halkaaso ey ku dileen ugu yaraan 42-Qofood oo ey ku jiraan lix dumar ah,iyadoo 20-Qofood oo kalane ey ku dhaawaceen,weerarkaan ayaa ah mid ka mida weeraradii ugu khasaaraha badnaa ee Gobolkaas ka dhaca sannadadii la soo dhaafay,sidaas waxaa yiri booliska. Weerarkaan ayaa ka dhacay degmada Kurram oo ka tirsan Gobolka Khyber Pakhtunkhwa halkaaso iska hor imaaadyo diimeed oo u dhexeeyo Muslimiinta Sunniga ah iyo kuwa Shiicada laga tirada badan yahay ey ku dileen tobanaan qof bilihii la soo dhaafay.

ISHA-AP.

HALKAN KA SI AKHRI.