SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

35-DAL AYA LAGU TEGI KARAA BAASBOORKA SOMALIYA.

(SAWIRKA)-BAASABOORKA SOOMAALIYA.

(LONDON)-Adduunka waxaa ka jiro hayado iskood u sameeyo hawlo caalamku u baahan yahay inuu wax badan ka ogaado,hayadda Helen And Parteners waa hayad sameysa qiimeyn la xiriirta Baasboorada ey bixiyaan dawladda caalamka,sannad kasta ayey hayadaan soo saartaa qiimeynta Baasaboorada dawaladaha adduunka. Inta badan wadamada caalamka ey qiimeyso hayadaan ayaa ah kuwa isku dhaf ah kana soo kala jeedo shan qaaradaooda ee adduunka,qiimayntii ugu dambayasay ey sameysay hayadaan ayaa waxaa ka soo muuqday Baasboorka dalka Soomaaliya oo ka soo kacay kaalintii uu joogay markii hore waxa uuna yimid kaalin aad uga fiican kaalintii hore,Baasboorka Soomaaliya ayaa ku jiray kaalinta 103-aad laakinse hadda waxa uu soo istaagay kaalinta 99-aad,Baasboorka Soomaaliya ayaa hadda waxaa lagu geli karaa 35-dal isagoo aan loo codsan wax dal ku gal(VISA). Dalalka Yeman,Ciraaq,Suuriya,Pakistan iyo Afgaanistaan ayaa ka hooseeya dalkeena Somalia.

ISHA/BBC.

HALKAN KA SII AKHRISO.