SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

35-BURCAD BADEED SOOMAALI AH OO SABTIDA LOO GUDBIN DALKA HINDIYA.

(SAWIRKA)-MARKABKA GANACSI EE MV RUEN.

(INDIA)-Saraakiil ka tirsan ciidamadda badda ee dalka Hindiya ayaa sheegay in dawladda Hindiya ey keeni doonto dalkeeda isla markaane ey Maxkamadeyn doonto 35-Burcad badeed Soomaali ah oo laga soo qabtay markab lagu afduubay Xeebaha dalka Soomaaliya,waxaya saraakiishaan ey sheegeen in la soo badbaadiyey Markabkii iyo shaqaalihii la socday hubkiina laga qaaday Burcad badeedii soo afduubtay Markabka. Burcad badeeda la soo qabtay ayaa waxa ey gaari doonaan dalka Hindiya maalinta Sabtida ah ee inagu soo foolka leh,waxaane loo gacangeli doonaa hayadaha amaanka ee dalka Hindiya,sidaas waxaa laga soo xigtay saraakiil la qariyey magacooda sababo la xiriiro ineysan awood u lahayn iney la hadlaan warbaahinta,mana la oga ilaa hadda ciqaabta ey muteysan doonaan Burcad badeeda Soomaliyeed. Ciidamadda kumaandooska dalka Hindiya ayaa ku guulaystay iney sii daayaan markabka ganacsi ee MV RUEN oo sitay calanka dalka Malta Sabtidii,kaaso laga soo afduubtay meel 450-Nautic Mile u jirta Jaziiradda Soqatra’a ee dhacda Waqooyiga Badda Carbeed eyna soo afduubteen Burcad badeed Soomaali ah.

ISHA/EA.

RIIX HALKAN.