SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

31-SANO KA DIB SOOMAALIYA OO LAGA QAADAY CUNAQABATEYNTII HUBKA

(SAWIRKA)-GOLAHA AMAANKA EE QARAMADA MIDOOBE.

(NEW YORK)-Wararka ka imaanayo Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe ayaa sheegaayo in Goluhu uu maanta oo Jimca ah(1/12/23)-ka uu u codeeyey in dalka Soomaaliya laga qaado Cunaqabateyntii Hubka ee saarneyd muddo dhan sodon iyo kow sano,go’aanka uu gaaray Golaha amaanka ayaa muhimad weyn u leh barnaamijka Dawladda Federaalka Soomaaliyeed ee Sugida Amniga,Xasilinta iyo xoojinta dawladnimada Soomaaliya ee curdinka ah,hadaba waa maxay faa’iidooyinka uu la imaan karo go’aankan cunaqabaynta laga qaaday Soomaalya,dagaalka Alshabaab iyo Daacish,sugidda amniga dalka oo dhan oo ey si cad u hortaagan yihiin kooxaha Argagixisada bariga Afrika ka hawlgasho. In Soomaaliya awood u yeelato iney soo iibsan karto hubka kan ey u baahan tahay iyo iney Soomaaliya ka maaranto xoogaga shisheey ee ka hawlgala gudaha dalka Soomaaliya marka laga soo bilaabo sannadkii 2007-kii oo hadda laga joogo16-sano intuba waxaa suuragelinka Go’aanka maanta.

ISHA/CAASIMADDA.

HALKAN KA SI AKHRISO.