SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

27-JIR SOOMAALI AH OO LOO DOORTAY…

(SAWIRKA)-NADIYA MAXAMED.

(MINNESOTA)-Wararka laga helaayo dalka Maraykanka ayaa sheegaayo in halkaasi shalay oo Talaado ahayd(7/11/23)-ka ey ka dhacday doorashada Dawkadaha Hoose waxaane doorashadaasi ku tartamaayey dad fara badan ey ka mid yihiin Musharaxiin ka soo jeedo dalka Soomaaliya. Gobolka Minnesota ee daka Maraykanka ayaa ah Gobolka ey ugu tirada badan yihiin dadka ka soo jeedo Soomaaliya,hadaba codbixeyaasha Magaaladda St. Luis Park ee Gobolka Minnesota ayaa Nadiya Maxamed waxa ey u doorteen iney noqoto Duqa Magaaladda St. Luis Park,Nadiya ayaa noqonaysa qofkii ugu horeeyey oo Muslim,Soomaali iyo Madaw ah oo loo doorto Xilka Duqa Magaaladda St. Luis Park. Nadiya Maxamed ayaa xilkaan waxaa kula tartamay Dale Anderson oo Bare ka ah Jaamicadda Minnesota,waxa eyna Nadiya heshay codad gaarayo 58%,Nadiya ayaa ahayd xubin ka tirsan Golaha degaanka ee Magaaladda St. Luis Parka,waane qofkii ugu da’ada yaraa abid ee Duq magaalo ka noqdo magaaladda St. Luis Park,Nadiya hadda waa 27-jir waxa eyna magaaladda St. Luis Park ku nooleed tan iyo markii ey toban sano jirka ahayd.

ISHA/SB-MEDIA.