SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

233-QOFOOD OO KU DHINTAY…

TAREEN ISKULA DHACAY DALKA HINDIYA.

(INDIA)-Shil tareen oo ka dhacay dalka Hindiya ayaa la soo sheegaa ineey ugu yaraan ku geeriyoodeen 233-qofood, 900-qofood oo kalane waa ey ku dhaawacmeen,shilkaan ayaa waxaa sababay laba tareen oo qaado dadka oo iskula dhacay gobolka Odishe sidaas waxaa laga soo xigtay sarkaal ka tirsan ciidamadda amaanka maanta oo Sabti ah,shilkaan ayaa ah kii ugu dhimasho badnaay ee ka dhaca dalka Hindiya. Tirada dadka ku dhintay shilkii dhacay Jimcaha ayaa la filaa in tirada dhimashada intaasi ka sii kororta sidaas waxaa bartiisa Twitter-kiisa ku sheegay xoghayaha guud ee gobolka Pradeep Jena. Wararka ayaa sheegayo in goobta shilka uu ka dhacay ey gaareen laba boqol Amabalaas ah kana tegay degmada Balasoore ee gobolka Odishe waxaane la diyaariyey boqol takhtar oo lagu soo xoojiyey kuwii horay u joogay oo dhan 80-takhtar.

ISHA VOA-SOMALIA.