21-DHALLINYARO OO CAAN KA AH TIKTKO-GA OO…
(SAWIR)-KA. MID KA MID AH DHALLINYARADII TIKTOK-GA LOO SOO XIRAY.
(MUQDISHO)-Tan iyo markii ey soo ifbaxday arrinta ku saabsan Xarunta Deb-Demiska Soomaaliyeed in laga guuraayo waxaa Baraha Bulshadda ey Soomaalidu aadka u isticmaasho ka bilawday waxyaabo aan fiicneyn oo ku dhamaan kara gacan ka hadal sababi kara dhimasho iyo dhaawac soo kala gaara dad walaala ah oo wada dhashay,arrintaan ayaa waxaa si fiican ugu lug leh dad sida badan caan ka ah Baraha Bulshada warkoodana ey dhegaystaan dad fara badan,dadkaas waxa ey door bideen iney dhegaystayaashooda u jiheeyaan dhinaca dagaalka Qabiiladda walaalaha ah hadane kuwada nool si nabad ah ayadoo la dhihi karo waxa ey heleen maalgelin siyaasadeed oo looga hortegaayo Dagaal ku wajahan kooxda Alshabaab ee lagu wado inuu Goor dhaw bilawdo iyo Arrinta Dastuurka Dhammaystirkiisa ah. Aaladda TIKTOK-ga waxaa si aad ah u isticmaalo dhallinyaro aad u fara badan kuwaaso dhaqaale fiican ka sameeya markeey shirkado u sameeyaan IIdhahyo wanaagsan balse hadda waxa ey ku mashquuleen arrimo Qabiil oo waxa ey isu haystaan laba-laba oo waxa iyagii la dhex dhigay dagaal ka soo jeediyey shaqadii Qurxooneed ey haysteen kuna amaanayeen,waxaane hadda lugaha loo geliyey Dhiiqo Qabiil oo sababi karta iney hoos u dhacdo Sumacdoodii shalay ee wanaagsaneed kuna Muufeysan jireen. Hadaba Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Qeybtiisa G/Banaadir hawlgal ey sameeyeen ayey ku soo qabteen dhallinyaro isugu jirta gabdho iyo wiilaal kuwaaso maalmihii la soo dhaafay Baraha Bulshada gaar ahaan TIKTOK-ga ka weday kicin Bulsho. Tiradda dhallinyarada la soo xiray ee hadda xabsiyadda ku jira ayaa dhan ilaa 21-qof,dhallinyaradaan ayaa bulshada dhexdeeda waxa ey ka wadeen “Anshax Xumo iyo kala Qoqob” sida lagu sheegay qoraalka Booliska. Baaritaan ku saabsan kiiska loo haysto dhallinyaradaan ayuu bilaabay Booliska Soomaaliya si looga gun gaaro cidda soo abaabushay falalka ey ku keceen dhallianyaraddaam. Ugu dambayntii Qoraal ka soo baxay ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu yiri”Waxaa looga digayaa shacabka Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda Muqdisho iyo hareeraheeda iney ka feejignaadaan falalka Anshax Xumida ah,hadaladda Kicinaayo Bulshadda iyo Aflagaadada Mawaadiniinta”.
ISHA/SB-MEDIA.