SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

19-QOFOOD OO KU DHIMATAY QARAX KA DHACAY…

EHELKII CARUUTOODA KU DHINTEEN QARAXII KA DHACAY KABUL MAANTA.

(KABUL)-Sannad ka hor markii eey talada dalka Afgaanistaan la wareegeen kooxda Taalibaan ayaa waxaa soo baxay kooxo kale oo ka soo horjeedo Talibaan,kooxahaan ayaa waxaa ugu caansan kooxda Daacish oo si aad ah ula dagaalamayso Talibaan waxa eeyna kooxda Daacish qaaday weeraro eey ku dhinteendad fara badan oo ka soo jeedo Shiicadda Afgaanistaan,hadaba qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa isku qarxiyey xarun waxbarasho kuna taalo degaanka eey ku badan yihiin Shiicadda dalka Afgaanistaan ee caasimadda Kabul maanta oo Jimca ah. Qaraxaan ismiidaaminta ah ayaa waxaa ku naf waayey 19-qofood waxaane ku dhaawacmay 27-qofood oo kale eeyna ku jiraan dhallinyaro uu u socday tababar eey isugu diyaarinayeen imtixaanka lagu galo Jaamicadda,sidaas waxaa sheegay afhayeenka kooxda Talibaan.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI