SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

1,737-MAXBUUS OO FALASTIIN AH OO LA SII DEYN DOONO.

(SAWIRKA)-QAARURA FARES.

(RAMALLAH)-Wararka laga helaayo caasimadda Isra’iil ee Tel Aviv ayaa sheegaayo in Wasaaradda Cadaaladda dakaasi Isra’iil ayaa fiidnimada caawa oo Jimca ah ku daabacday shabakadeeda,liiska qeyb ka mid ah magacyadda Maxaabiista reer Falastiin ee lagu sii deyn doono qeybta koowaad ee Heshiiska Marinka Gaza. Qauura Fares oo ah Madaxa Maamulka Maxaabiista Falastiiniyiinta iyo Arrimaha Maxaabiista la sii deynaayo ayaa sheegay in 1,737-Maxbuus oo Falastiiniyiin ah la sii deyn doono wejiga koowaad ee Heshiiska Isdhaafsiga Maxaabiista iyo Xabad joojinta Marinka Gaza. Hadalo laga sii daayey Telefishanka AL-Caraby ee dalka Qadar fiidnimadii Jimcaha ayuu Fares sharaxay Maxaabiista la sii deyn doono wejiga koowaad iney dhan yihiin 1,737-Maxbuus oo ey ku jiraan 296-Maxbuus oo lagu xukumay Xukuno waqti dheer ah.

ISHA-AA.

HALKAN KA SI AKHRI.