SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

17-SANO KA DIB UGANDA MEXEY SIDAN UGU CALAANCALAYSAA?

(SAWIRKA)-TALIYAHA CIIDAMADA DHULKA EE DALKA UGANDA S/G,KAYANJA MUHANGA.

(UGANDA)-Andrew Mwenda waa Qoraa wax ku Qoro Wargays ka soo baxa dalka Uganda lana yiraahdo THE INDEPENDENT, Qoraagan ayaa ka mid ah Qorayaasha uu Wargaysku siiyo fursad ey wax ugu qoraan Wargayska kuna cabiraan ra’ayigooda sax iyo khalad kuu doono ha ahaado. Qoraa Andrew Mwenda waxa Wargayska The Independent kana soo baxa dalka Uganda uu ku qoray laba Maqaal uu ugu magac daray “UGAND’S SOMALIA ADVENTURE 1 and 2 “. Maqaalkiisa koobaad ayuu soo daabacay 10/2/2024-ka waxa uuna kaga hadlay Musuqa ka jira dalka Soomaaliya isaga oo iska indha tiray kan ka jiro dalkiisa Uganda,waxa uu amaan kala dul dhacay Maxakamadaha ey maamulaan Alshabaab waxa uuna ku sheegay iney yihiin kuwa ey la dhacsan yihiin Shacabka Soomaaliyeed oo Muslim ah,balse isagu ma oga Diinta Alshabaab ku dhaqdo goobaha ey maamusho tan ey tahay iyo sida ey uga fog tahay Diinta Islaamka ee dhabta ah. Maqaalkiisa labaad ayuu soo daabacay maanta oo ah Axad 18/2/24-ka, waxa uuna is barbar dhigay Ciidamadda Maraykanka ee isaga oo baxay Afganistan iyo kuwa Uganda ee ku sugan Soomaaliya waxa uuna isku bedelay AMISON iyo NATO,wuxuu yiri’ Uganda waa ey sii joogi kartaa Soomaaliya 50-sano ee soo socoto laakinse marnaba kama adkaan doonto kooxda Alshabaab sababta ayuu ku sheegay iney tahay in Booliska DFS,askeriga XDS,Macallinka jooga Dugsiyada DFS,Kalkaalisada Caafimaad iyo Takhtarka jooga Isbitaalka DFS,Waratada Wadada Jidadka magaaladda,Dukaanleyda magaaladda,Taksiile,Kabalyeeriga Maqaayadda ku jira iyo Wariyaha Dariiqa taagan intuba waa Alshabaab” waxa uuna hadalkiisa sii raaciyey “Alshabaab waa shacabka Soomaaliyeed,Markaan isu muujineyno inaan la dagaaleyno Alshabaab dhab ahaantii waxa aan la dagaalmaynaa dadka Soomaaliyeed in kasta oo aan nafteyna ku khiyaaneyno inaan ilaalinayno naftooda”.

ISHA/THE INDEPENDENT.

HALKAN KA AKHRI.