SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

150-JIIRAGAAN OO U SOCDAY ALSHABAB OO LA QABTAY.

(SAWIR)-KA. JIIRAGAANADII LA QABTAY.

(X/DHEERE)-Wararka laga helaayo degmada X/dheere ee Gobolka Mudug ayaa sheegaayo in ciidamadda Kumaandooska GorGor iyo Danab ey kala tababaraan dalalka Tukiga iyo Maraykanka oo kaashanaayo xoogaga dib u xureynta degaanka ayaa gacanta ku soo dhigay 150-Jiiragaan ey ka buuxaan Budada laga sameeyo Waxyaabaha Qarxa iyo Shidaalka Baabuurta,ciidamadaan iskaashanaayo ayaa wxa ey ka soo bexeen degmda C/dheer ee G/Galgaduud waxa eyna hawgal ka sameynaayeen degaanka lagu magacaabo Hawdley ee dhaca duleedka Degmada X/dheere ee G/Mudug bartamaha Soomaaliya. Ciidamadda xooga dalka Soomaaliyeed kuna suga aagaas ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamdu ey gacanta ku soo dhigeen laba qofood oo la socotay 150-Jiirgaan ee la qabtay,waxa eyna sheegeen in Doon ey keentay degaanka Hawdley ka dibne ey isaga cararatay halkaas,ma aha markii ugu horeeysay oo dhulka hawdka degmada X/dheere lagu qabto gawaari sida waxyaabaha Qarxa oo waxaa horay loo qabtay baabuur kuwa xamuulka qaada ah eyna ku raran yihiin Jiiragaano ey ku jiraan budada laga sameeyo waxyaabaha qarxa. Dhinaca kale,hawlgal qorsheysan ey ciidamadda Daraawiishta K/galbeed ka fuliyeen tuuladda Kuunyo Buuraw oo 30-kiilomitir dhanka Galbeedka kaga beegan degmada B/Hakaba ayaa waxaa lagu soo qabtay Horjooge Aden Maxamed Cali Dhaayaw oo ka tirsan kooxda Alshabaab. Sidoo kale,hawlgal ey sameeyeen CXDS gaar ahaan Ururka 7-aad Guutada 8-aad Qeybta 60-aad ayaa maanta hawlgal sifeyn ah ka sameeyey degaanadda dhaca Buuraleyd iyo Dhulka hawdka ah ee kala qeybiyo Goboladda Baay iyo Bakool ee Koonfurta Soomaaliya. Inta uu socday hawlgalkaan gaarka ah ayaa waxaa la burburiyey goobo ey maleeshiyaadka kooxda Alshabaab isku abaabulayeen kuwaso u dhexeeyey degmooyinka Berdaale iyo Qansax dheere ee G/Baay iyo degmada Waajid ee G/Bakool.

ISHA/CAASIMADDA.

HALKANKA AKHRISO.