SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

104-MAS OO LA TAHRIIBINAAYO OO LA QABTAY.

(SAWIRKA)-SARAAKIISHA XUDUUDKA DALKA SHIINAHA OO QABTAY MASAS LA TAHRIIBINAAYEY.

(CHINA)-Waxa aan inta badan maqalnaa dad ayaa laga tahriibiyey dal hebel waxaane loo tahriibiyey dal kale,Tahriibka ayaa ah mid nuucyo badan leh balse ey ugu caansan yihiin Tahriibinta dad nool iyo Maandooriyaha,waane wax iska caadi ah marka aad Tv-ga ka daawatid dad loo qabtay iyagoo sameynaayo tahriib balse maanta sheeko taas waa ey ka gedisan tahay waxaane dhacday arrin dad fara badan ka yaabisay kana dhacday dalka Shiinaha. Nin u dhashay dalka Shiinaha ayaa isku dayey inuu Tahriibiyo 104-Abeeso oo nool waxa uuna ku soo qariyey Surwaalkiisa todobaadkan waxaane ninkaan lagu qabtay Xuduudka dalka Shiinaha uu la leeyahay Hong Kong,sida ey sheegtay Waaxda Canshuuraha ee dalka Shiinaha. Ninkaan tahriibinaayey Abeesoyinka ayaa isku dayey inuu la gudbo xuduudka u dhexeeyo Hong Kong iyo Shenzhen,sidaas waxaa Talaadadii sheegay masuuliyiinta Goblkaas. Booliska Xuduudka markii ey baareen Surwaalkiisa ninka Tahriibinaayey Abeesooyinka ayey saraakiishu heleen lix boorso oo xiran eyna ku jiraan Masas Caan ah oo kala duwan eyna ku jiraan Masaska Caanka ah,Masaska reer Galbeedka,Masaska Galleyda,Masaska dooliga Texas,dhammaan Masaskaan uu tahriibinaayey ninkaan Shiineyska ah ayaa waxaa ugu qaalisan nuuca reer Galbeedka ee loo yaqaano”Western hognose Snakes”waxa uuna qiimahoodu dhan yahay halkii xabbo $140 ilaa $600, doolarka Maraykanka ah.

ISHA/CNBC.

AKHRI.